La taliyaha MW Farmaajo oo sheegay in dowlada Qatar ay mas’uul ka tahay Qaraxyada Muqdisho (Daawo VIDEO)

La taliyaha sare ee Madaxweyne Farmaajo Salaad Cali Jeele oo sheegay in qaraxyada ka dhaca dalka gaar ahaan magalaada Muqdisho ay mas’uul ka tahay dowlada Qatar. Salaad Cali Jeele ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowlada Qatar in ay iyadu soo abuushay qorshooyinka lagu burburinayo dalka Soomaaliya kaas oo ka soo bilaabatay xiligii Maxkamadaha.

Hadalka ka soo yeeray la taliyaha Madaxweyne Farmaajo ayaa sii xaqiijiyay dareenka ay shacka Soomaaliyeedk a qabaan dowlada Qatar iyo wakiilkeeda Dowlada Soomaaliya Fahad Yasin. Fahad Yasin ayaa gacan saar xoog leh la leh dowlada Argagaxisada. Maalintii shalay ahayd ayaa boqolaal Soomaali ah ku mudaharaadeed Dalka Ingiriiska iyaga oo ka soo horjeedo faragalinta dowlada Qatar ku hayso dalka Soomaaliya iyada oo maamgaliso kooxaha Argagaxisada.

Halkaan ka daawo Video

Advertisements