Kuwii Hore ee Laga Shaqaaleysiinayay Dowalada Hoose Intey Ku Danbeyeen Waa Yaabe

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono sidii loo dar-dar gelin lahaa barnaamijkan.

Horay aya waxa lo shegay in kun dhallinyaro ah la shaqaaleysiindono muddado 6 bilood ah iyado aysan muuqan dhalinyaro la shaqaaleysiyay.

Xarumaha Dowlada Hoose aya waxa laga shaqaaleysiyay dhalinyaro ku heyb ah Maamulka Madaxtoyada iyo Duqa Muqdisho iyado dhalinyaradaasi ay yihiin kuwa shaqoyinka Muhiimka ah la siiyay.

Cabasho xoogan aya ka taagan Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar iyado ay buux dhaafiyeen Shaqsiyaad ku heyb ah Kheyre,iyo Duqa Muqdisho,Farmaajo.