Kuwait oo sheegtay in ay Qabaneeyso shir looga Arinsanaayo Waxbarashadda Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Danjiraha Kuwait ee Midowga Yurub Jasem Al-Budaiwi ayaa sheegay in ay marti-gelinayaan shirka Waxbarashadda Soomaaliya,waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay Muhiim tahay in la kobciyo garaadka Aqooneed Ee Bulshadda Soomaaliyeed.

Jasem Al-Budaiwi ayaa Dalalka Caalamka Ugu baaqay in ay Waqtigaan usoo jeestaan  sidii loo garab istaagi lahaa Bulshadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in hada diyaar u yihiin in kasoo Kabtaan Dagaaladii Wajiyadda Badnaa Ee Dhex-maray.

” waxaan sii wadi doonaa inaan  anigoo Wadajir ah islamarkaana kaashaneeyno , saaxiibada Qaramada Midoobay ee taageeraya  Soomaaliya ee dhinac walba ah, waxaanu mas’uul ka nahay dadka Soomaaliyeed, waxayna u baahan yihiin inay dareemaan sida ay uga go’an tahay heerarka bulshada iyo dhaqaalaha,

Danjiraha Kuwait ee Midowga Yurub Jasem Al-Budaiwi ayaa xusay in tan iyo Sanadkii 2017 ay bixiyeen Lacago gaaraya 50-Milyan  taasi oo qeeyb  ka Aheed jawaaib ka bixinta Baaqyo Caalami ah oo kasoo yeeray Beesha Caalamka ,sidaasi oo ay tahay ayuu’Madaxda dalkeeynawaxaa ay ku kalsoon yahay Bulshadda Soomaaliyeed waana aaminsanahay ineey isku tashan doonaan’’

Hadalkaan ayuu ka sheegay  Jasem Al-Budaiwi Magaalada Brussels  Ee Dalka Belgium halkaasi oo lagu qabtay Shir dhaqaalle loogu Yabaahay Dowladda Soomaaliya