Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay in ay ciidamo u dirayso xadka kala qaybiyo labada Kuuriya.

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa heegan lagaliyay in ay ugalaan xadka kala qaybiyo labada Kuuriyada.

Hanjabaadan ayaa qayb ka’ah jawaab ay Pyongyang ka bixineeso dad kaga goostay dhanka Koonfurta oo ay sheegeen in halkaasi ay kasoo dirayaan warar dacaayad ah.

Kim Yo-jong oo ah walaasha hogaamiye Kim Jog-un ayaa sheegtay in ay amartay in ciidamadu ay diyaar garoobaan si ay talaabo u qaadaan.

Xiisada labada dal ayaa sara u sii kaceesay todobaadyadii ugu danbeeyay iyadoona labada Kuuriyada ay ku kala go’een dagaal dhax maray 1950’kii.