Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb gudigii uu uu shalay magacaabay Kusimaha Madaxweynaha Galmudug Xasan Kheyre. Gudigan oo lagu sheegay in ay dib u heshiisiin ka dhalin doonaa degaanka Galmudug ayaa dhamaantood horay mushaar uga qaadan jiray xafiiskiisa.
Gudiga oo ay durabadiiba ay ka horyimaadeen dadka reer Galmudug ayaa ah shaqsiyaad aan in mudo ah talo ka galin arimaha Galmudug. Dhanka kale shaqsiyaadkaan ayaa ah kuwa aan lahayn awood ama samayn ay isugu keeni karaan beelaha ay ka dhasheen iskaba daa in ay isku soo dhaweeyaan guud ahaan dadka reer Galmudug.
Mid ka mida gudiga ayaa sheegay in qaar badan oo gudiga ka mida ay ahaayeen kuwo aan shaqo rasmi ah haynin oo aan ka ahaynin in taageero been abuur ah u gudibiyana xukuumada oo mushaar siiso. Waxa uu yiri “.. angaba waan ognahay in aanan waxba ka galin dhibka ka jira Galmudug, laakiin waan isaga mashquulaynaa, ileen wax kaloo la qabto ma jirtee”.