Waxa xalay lagu qabtay magalaada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hir-Shabelle doorashada kursiga sumadiisa tahay HoP #140 , kaas oo uu difaacanaayay xildhibaan Cabdulqadir Cosoble oo horay ugu fadhiyay.
Qabashada doorashada kursigan oo dhowr mar dib u dhacday ayaa ugu danbeeeyntii xalay la qabtay, waxa uuna noqday kursigii ugu qaalisaan ee dalka lagu qabto intii ay doorashada bilaabatay.
Kursiga oo markii hore loo xiray Cabdulqadir Cosoble ayaa markii danbe dib loo furay waxaana isugu soo baxay labo qof. Ergada doorashada ayaa xalay lagu kala iibsanaayay dhaqaale u dhaxeeyay $4-7 kun oo lacagta Maraykanka ah.
Ergada ayaa waxaa celcelis ahaan ka soo gashaya qofkiiba lacag kor u dhaafeysay $11,000 kun oo doolar. Waxaa kaloo isagana lacag badan ka sameeyay doorashada xalay ka dhacday Jowhar Madaxweyna Cali Guudlaawe.
Sida MOL loo xaqiijiyay Cali Guudlaawe ayaa waxa uu ka qaatay musharaxiinta lacag lagu sheegay damaanad oo aan cadadkeeda rasmiga ah aan la shaacinin. Guud ahaan celceliska lacagta ku baxday kuriga HoP #140 ayaa kor u dhaafsaysa $1.5 Milyan oo lacagta maraykanka.
Cabdiqaadir Cosoble ayaa helay 76 cod, halka Cabdikariin Tifow oo la tartamay uu helay 22 cod, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle.