Kursigii loo xiray Shiikh Sharif oo lacag la’aan u xayiran & Guudlaawe oo culays soo wajahay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kulamo gaar gaar ah oo xal loogu helayay kursiga beesha HartiAbgaal, Agoonyar kaas  uu u horay u codsaday in loo xiro Shiikh Sharif.

Cali Guudlaawe ayaa ku qanciyay qaybo kamida beelaha ku asteeysan kursiga inay u dhaafaan Kurgisa Shiikh Sharif, kaas oo uu sheegay inay jirto raji xumi Shiikha kala soo daristay doorashada Federaalka.

Cali Guudlaawe ayaa u sheegay Shiikh Sharif in uu dhaqaale deg deg ah u helo kursiga hadii kale in kurisga la furo oo lagu tartamo, sii uusan isaga eed buuxda u qaadin.

“Dhibka uu qabo Eebowgey Shariifka waxa uu qaadayaa balan uusan oofin karin, marka aan la hadlo lacag waa haystaa ayuu leeyahay, hadana waa u jeedaa in dhaqaale xumo badan hayso.. Aniga intaan ka badan kursiga kor uma sii hayn karo.. waxaana macquul ah in kursigaas la isku dilo hadii aan deg deg xal looga gaarin” Sidaas waxaa yiri Cali Guudlaawe oo la hadayay ganacsade ay qaraabo yihiin Shiikh Sharif.

Waxa uu intaas ku daran “ Adeeroow qiyaali laguma noolaan karo, hada, hada  ninkii aan wada afurtaynay  waxa uu ii sheegay in $20,000 xalay looga soo tuugaayay Axmad Qaali…  si loogu kabo biilasha guriga Sharifka.. Xaqiiqdiina kursigaan lacag badan  ayuu u baahan si loo qanciyo beleah kale ee qoryaha ku haysta Jowhar”.

Dareenka ka soo yeeray Cali Guudlaawe ayaa ah mid ay qabaan qaar kamida waxgaradka beesha HartiAbgaal oo iyagu ku talinaya in Shiikh Sharif sharfta ilaashado uu kursigaas beesha u dhaafo ayaga qofkii ay rabaan ay siiyaan.

Dhanka kale Shiikh Sharif ayaa ku talinaya  in aanba kursiga hada la soo dooran oo dib loo dhigo, doorashada ka dib, marka laga xiiso dhaco isaga si fudud uu ku soo qaato.