Kursigii lakala badashay oo maanta la siiyay Wasiir katirsan Koonfur Galbeed

Reading Time: < 1 minute

Kursiga summadiisu tahay HOP126 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Xasan Idiris Ganeey ayaa waxaa kusoo baxay Xasan Eeley oo helay 74-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdiraxmaan Macalin Xuseen helay  21 cod.

Madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa horey ugu heshiiyay in ay kala bedeshaan kuraas kala taala labada maamul , waxaana horey Baydhabo loogu doortay xubno uu watay Axmed Madoobe .