Kursigii HOP 63 oo looga adkaaday Villa Somalia

Reading Time: < 1 minute

Doorashada kursiga HOP-63 oo ka socotay Magaalada Beledwayne ayaa waxaa la isla aaday wareega saddexaad, sida ay sheegeen Guddiga Doorashada.

Tartanka oo aad u adag ayaa u dhaxeeya ayay labada Musharax ee ka ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid iyo Maxamed Daahir Aadan, iyada oo ay kala heleen min 50 cod, iyada oo hal cod uu xumaaday.

Ku celiskii danbe ayaa waxaa guusha 57 cod ku guuleeystay Cabdirasaaq Cabdullaahi Macallin (CIID) oo noqday Xildhibaanka BJFS ku meteli doona HOP 63

Kursigaan ayaa isu soo sharaxay sagaal Musharax oo uu kamid yahay Cabdullaahi Goodax Barre oo isagu hore ugu fadhiyay, isla markaasna ku haray wareegii koobaad.