Kuraastii u danbeeysay xubnaha Baarlamaanka Puntland oo la shaacin doono dhawaan

Reading Time: < 1 minute

Guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer Puntland ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda shaaciyaan kuraastii u danbaysay xubnaha laga soo doorto Puntland. Guddiga ayaa laga sugayaa lixdii kursi ee u danbaysay 37-da kursi ee golaha shacabka ku metela Puntland kuwaas oo 31 kamid ah la doortay.

Shaacinta doorashada lixdaas kursi ayaa dhawr jeer dib u dhacday sababa la xiriira khilaaf ka jira kuraasta qaarkood. Sidoo kale jadwalkii u danbeeyay ee lagu ballamay dhammaystirka doorashada golaha shacabka oo maanta ku eg ayaa dib u dhac ku yimid.