Kumuu ahaa Halgame Axmed Xaaji Ducale Cabdalla (Axmed Keyse)

Reading Time: 3 minutes

Taariikhda waxa la yiraahdaa naxariis ma leh balsa waxay kuu keydisaa wixii aad ku qorato inta aad nooshahay. Danjire Axmed Xaji Ducale Waxaa uu ku qortay wax wanaagsan oo ay maanta qof waliba qireyso. Waxaa uu ahaa halyey Somaliyeed oo gartay wax badan oo mas’uuliyad ah iyadoo in badan aysan wali garan Mas’uuliyaddaas, Waayo waxaa uu sii arkayey wax ayan weli sii arag kuwa badan oo weli nool. Somaliduna ma illoobi doonto kuweeda wanaagsan sida Marxuumkan oo kale.

Allah u naxariistee Danjire Axmed Xaaji Ducaale Cabdalla (Axmed Keyse) oo noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee beeraha ee Soomaaliya iyo Safiir hore ayaa 8 January, 2020 ku geeriyooday Magaalada Tucson ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka isagoo da’diisu ahayd 92 sano-jir.

Waxyaabaha qiimaha badan waxaa ka mid ah waxaa uu ahaa wasiirkii Talyaniga ka wareejiyey beeraha waaweyn ee uu dalku ku lahaa markii goabnimada la qaatay.

Taarkiih Kooban

Marxuum Axmed Keyse oo ku dhashay Degmada Burco ee Gobolka Togdheer sanadkii 1928 ayaa sanadkii 1938 waxa uu dugsiga hoose ka bilaabay Magaalada Berbera, iyadoo dugsiga dhexe uu ka dhigtay degmada Sheekh , waxa uu sanadkii 1948 deeq waxbarasho ah ka helay Kuliyadda Xantoob (Hantoub college) ee Magaalada Khartoum ee Caasimadda dalka Suudaan oo u dhigmaysay Dugsi sare, afar sano kadib markii uu kuliyaddaasi dhammeeyay waxa uu u safray dalka Ingiriiska, isagoo sanadkii 1956 kaga qalin-jebiyay Jaamacadda Keele ee Waqooyiga England, darajo sharafeedka koowaad ee Dhaqaalaha.

Axmed Xaji Ducaale Cabdalla (Axmed Kayse) waxa uu ka mid ahaa afarta hoggaamiye ee ka soo jeedday Gobollada waqooyi ee dalka oo go’aansaday markii waqooyigu ka xorroobay gumaystihii Ingiriiska 26 June, 1960 in ay la midoobaan Gobollada Koonfureed ee ka xorroobay gumaystihii Talyaaniga 1 July, 1960, taasi oo suurragelisay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic) 1 July, 1960 oo mideysay Gobollada Waqooyi iyo kuwa koonfureed ee ahaa halkii dalka ee gumaystuhu kala qeybiyay.

Axmed waxaa uu ka mid ahaa barlamankii ugu horreeyey ee Goballada waqooyi laga doorto iyo wasiiraddii ugu horreyey ee dawladdii Jamhuuriyadda Somaliya markii ay dib u midoobeen waalaalihii waqooyi Iyo Koofur oo caodw gumeysiga uu qeybsaday laba Gobol oo ay kala haysteen Ingiriiska Iyo Talyaniga.

Marxuum Axmed Keyse ayaa noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee Beeraha ee Soomaaliya, isagoo xilkaasi hayay muddo labo sano ah oo ah (1960-1962).

Marxuumka ayaa ku waayay xilkiisa wasiirnimo codka kalsoonida oo ay u qaadeen Baarlamaanka sanadkii 1962, waxaase uu gebi ahaan iska casilay xilkii xildhibaannimo ee Golaha Shacabka isla sanadkaasi.

Marxuum Axmed Keyse ayaa sanadkii 1963 loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Germany, iyadoo Sanadkii 1964 loo wareejiyay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar. Sanadkii 1968 waxaa loo wareejiyay Magaalada Caden, oo ahayd xilligaasi Caasimadda Jamhuuriyadda Shacbiga ee Yemen-ta koonfureed.
Sanadkii 1970 waxaa uu noqday Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Midowday (UK).

Hasa yeeshee Axmed Keyse waxaa uu bartamihii todobaatameeyada u wareegay hay’adaha caalamiga ah. Sanadkii 1976 waxa uu noqday Agaasimaha Bankiga Islaamka ee xaruntiisu tahay Magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Muddo seddex sano kadibna waxa uu guda-galay howlo shaqo oo isaga u gaar ah.

Axmed Kaysa oo Ifka kaga tagay afar caruur oo kala ah Xarbi, Khadra, Nuura iyo Ayaanle ayaa marna u ololayn kala qeybinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa uu had iyo jeer aaminsanaa in midnimada iyo wadajirka ummadda uu yahay muqadas aan la taaban karin, gor-gortanna aan la gelin karin, Soomaaliduna ay ka heshiin doonaan isfaham-waaga iyo kala aragti duwanaanshaha kala qoqobay, nolol nabadeed iyo barwaaqana ay ku noolaan doonaan.

Waxaa uu ahaa halyey aan ay Somalinimadu ku weyn tahay, hogaamiye fiira dheer iyo waalid dhashiisa ku beeray waddaniyad, sida Khadra Axmed  Xaji Ducale isla markaana tusaale u ahaa walaalahiis sida Raaqiya Xaaji Ducale.

Tacsi

Haddaba, MOL annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa,gaar ahaan walaasheen Khadra Axmed Ducale,  ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.