Kumanaan arday oo wax ku barata Somaliland oo maanta imtixaanaad u fariistay

Reading Time: 2 minutes

Waxaaa maanta ka bilaawaday Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland imtixaanaadka Shahaadooyinka.  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaana  daah-furay qaybinta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare oo si rasmi ah maanta uga bilaabmay guud ahaanba Somaliland.

Aradayda ka qayb galaysa Imtixaanka nayaa  tiradoodu gaaraysaa 30,000 (soddon kun) oo arda. Madaxweyne Muuse Bixi ayaa ka sameeyay  daah-furay dugsiga Sheekh Cali Ibraahim ee bartaha caasimadda Hargeysa ah dugsigii kasoo baxay 53 sano ka hor, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo uu tilmaamay inuu geliyey waqti badan iyo tamarba.

Shacabka reer Somaliland ayaa dhankooda qayb wayn ka qaadanaya ilaalinta imtixaanka. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee gacantiisa ku qaybiya imtixaanka Somaliland