Arday lagu qiyaasay 15800 Arday oo ka kala socday 106 Iskuul oo ku kala yaal dhammaan degaamada Puntalnd ayaa imtixaanka oo muddo shan maalmood socon doono u fariistay.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyeen Masuuliyiinta Wasaaradda waxbarshada Puntland ayaa si rasmi ah u furay imtixaanaadka. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sharaf weyn u tahay Puntland in waqti isku mid ah uu dhammaan goboladda iyo degmooyinka Puntland uu ka bilowdo imtixaanaadka Fasalada 8aad iyo 12aad ee Shahaadiga ah.
” Waa guul ay gaartay wasaarada waxbarashada Puntland, waxay tusaale u noqonaysaa geyiga Soomaaliyeed dhamaantiis, waxaan rajaynaynaa khibradaas iyo waayo-aragnimadaas mudada dheer soo socotay inay la wadaagno maamulada xubnaha ka aha dowladda federaalka iyo dowladda federaalka in la wadaagno si loo maamulo imtixaanaadka” ayuu yiri madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni.
Wuxuu kula dardaarmay hawlwadeenada iyo kormeerayaasha imtixaanaadka inay la yimaadaan foojignaan iyo firfircooni dheeraad ah inta uu socdo imtixaanku. Waxaa kaloo uu amar ku siiyay dhammaan masuuliyiinta degmooyinka iyo ciidamada amnigu inay qayb ka qaataan sugida amniga iyo ilaalinta goobaha imtixaanaadka lagu qaadayo.
Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa cashar ka baran karto qaabka iyo hanaanka ay Puntland imtixanaadka u qaado.