Kumaandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku qabtay gaari qaraxyo siday

Reading Time: < 1 minute

Hawlgalkaa ayaa la sheegay in uu ka dhacay degaanka Cadalle oo ka tirsan Koonurta Gobolka Mudug halkaas oo lagu qabtay gaariga qaraxyada siday iyo raggii watay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in qaraxyadaas la gelin lahaa wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo balse ciidanku ka war helay oo fashiliyay.

Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Galmudug oo is kaashanaya ayaa weli hawlgalo ka wada degaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.