Kullanka Heritage ma Daahin doonaa Doorashada  & ma sii wadi doonaa isku dirka musharaxiinta Mucaaradka ku ah MW Farmajo?

Reading Time: 3 minutes

Marka aad dhageysatid khudbadaha oo ku saleysan ajendaha soo qoreen maamulka Mac-hadka Heritage waxaa kuu soo baxaya inuusan ka tarjumeyn xaaladda adag ee uu dalku maanta ku sugan yahay.

Axmed Madoobe

Madaxda iyo hogaamiyayaasha Meesha ka hadlay hal Axmed Madoobe ayaa ka hadlay dhibaatada dalka inta kale waxay u hadleen waxna sheegin waxna ha qarin yaana wax laga sheegin.

Si saraaxad ku jirto looma wada hadlin dhammaan dadka Meesha isugu tagay qof walibana waxaa uu u muuqday mid is dhowraya oo ilaashanaya inta yar ee ku aragtida ah inaysan ka tagin maadaama xaaladda ay u muuqato in kooxaha Meesha tagay madaxa la isu geliyo.

Mahdi Yatakabaruu

RW/K/Xigeenka dalka oo ay ahayd inuu ku hadloo codka dowladda waxaa uu isticmaalay af tahamo badan oo suugaan lagu suugeeyey si uusan uga hadal dhibaatada ay dowladdiisu ku hayso dalka oo ah waddo khater ah oo ay ku burburineyso wixii la soo dhisayey in muddo ah. Hal arrin waa uu caddeeyey kaasoo in ninka Villada joogaa ay isku mid yihiin ninka white house ka Mareykanka joogaa oo  ay Khasab tahay in loo midoobo si looga soo saaraa halkaas. Arrinkaas waa doodda ya MOL qabtay muddo dheer in MW Farmaajo ay Khasab noqon doonto in xoog looga soo saaraa villada, taas ayuuna sii caddeeyey Mahadi Yatakabaruu.

Mursal

Dhinaca kale shirka waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha Golaha shacbiga Mursal oo been iyo warwareeg walaahow dugsan uu uga baxay halkii ay ka ahyd inuu runta abbaaro oo uu sheego in dalku uu gebi ka dhacay, intii uu guddoonka Barlamanka hayey  walina lagu sii wado, isagoo og inuu si sharcidarro ah ku joogo maantaba maadaama golihii uu ka tirsanaa ay ka dhacday sharciyadda 27/12/20 waxa uu ku joogaana ay tahay xal mastuur iyo dadka Somaliyeed oo raba inaysan waxba ka burburin inta uu ka imanayo barlaman badala.

Xasan Cali Kheyre

Waxaasa intaas oo dhan ka sii darnaa xubin muhiim ah oo qaska iyo qalaanqalka dalka uu ku jiro horsed iyo hogaaminye ka hayd oo haddana inta dadka soo dhex istaagtay leh waxay ahayd xelligaan inay doorashao qabsoonto.  Xubintaas waa Xasan Cali Kheyre oo muddan in jeelka la dhigo maadaama uu muddo seddex sano iyo bar ah uu shacbiga been u soo sheegayey markii 7 daqiiqo ninkan Mursal ah ee hor fadhiyaa amar lagu siiyey inuu eryo uu ku baxay.

Waxay ahayd cid kastaa oo halkaas ka hadashay inay Kheyre weydiiyan sababta uu dalka u lugooynayey sedex sano iyo bar, inay weydiiyaan cidda kula jirtay lugooyadaas? Inay weydiiiyaan sababta uu hadda u soo dhex fadhiistay mucaaridka oo ay dad badani aaminsan yihiin inuu yahay Jaajuus ku dhex jira oo maalintiina la jooga habeenkiina Farmajo iyo Fahad u gudbiya qorshayaasha mucaarid ee dhow iyo kuwa fog.

Warar ayaa sheegaya inuu ahaa qofkii Farmaajo kula taliyey inuu joojiyo kulankii Barlamanka ee labada aqal oo dib loogu dhigi lahaa si sharci ah wax ka badalka iyo u codeynta distuurka ka diba mrakii uu kheyre ka dhex maqlay mucaaridka.

Siciid Deni

Siciid Deni oo marti loo ahaa ayaa u hadlay sidii lagu yaqiinnay reer Puntland oo ah Maandhow waxna ha sheegin waxaad sheegtana ha waayin. MW Deni oo ay ahayd inuu si cad u sheego in la baalmaray dhammaan wixii lagu heshiiyey oo uu ku tuntay MW Farmajo, ayaa waxayna xogtu leedahay inuu xataa shakhsiyaad rabay inay si fiican uga hadlaan arrimaha murugsan uu ku yiri war bal hoos u dhiga codkiinna oo yaan odayga lagu fogaanin, isagoo MW K/Xigeenkiisa  la ogaa sida uu ugu hilliyey wiilka uu abtiga u yahay ee Farmajo. Deni ayaa xogag la helayo waxay sheegayaan inuu yahay Murashax lagana yaabo inuu shirkaan Heritage kadib uu ku dhawaaqo sida ay xog ku MOL.

Heritage

Shirkaan Heritage ay hadda 29-31 December oo uusan dalku lahayn Barlabaan, muuqanna jidkii mid uu mid cusub ku iman lahaa ayaa waxaa ka muuqanaya qodobadaan:

  1. Ka duwid dadka Somaliyeed dooda dhabta ah taas oo ah in laga murgo, laga doodo, lagana wahadallo sidii loo qaban lahaa doorashadii 20/21 oo durbaba noqoneysa 2021 oo kaliya.
  2. In dowladda looga yareeyo cyleyska shacbiga oo maalmo dhoweyd qarka u saarnaa in Farmajo loogu tago Villada.
  3. Inay iska horkeento Mucaaridka iyo DG u muuqday inay ka go’an tahay inay u midoobaan sidii uu dalka doorasho u gali lahaa.

Haddaba arrinkaas ayaan isagana noqon doona mid taarikhda u gala Heritage oo ay dad badani  fahami doonaan inay yihiin mac-had aan danta dadka ka shaqeyneyn, una baahan in dib loo qiimeeyo shirarkooda  oo loo maleyn jiray inay yihiin shirar Cilmi baariseed oo la qaban jiray xelli aan ahayn xelli doorasho.