Kullanka Ex-Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Shariif Xassan Shikh Aadan Maxaa laga Filan Karaa??

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynahii Hore ee Soomaaliya Xassan shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa la filayaa in ay ku kulmaan Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Kullanka Madaxweyne Xassan shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha  Maamulka Koonfur galbeed ayaa waxaa il gooni ah ku eegaya Kooxda Qiyaano qaran oo cabsi weeyn ka qabta in ay soo abaabulaan qorshe-yaal looga hor tagaayo Damacooda in dalka meel halis ah lagu rido.

Shariif Xassan shiikh Aadan  iyo Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya ayaana waxaa ka dhaxeeyn Heshiis waxaana ay kala yihiin laba dhinac,iyadoo ay sidaasi tahay ayaa hadana waxaaa  kooxda Qiyaano qaran muujinayaan cabsi aad u weeyn.

Kullaankaan gaar ah oo ay leeyihiin xassan shiikh Maxamuud iyo Madaxweyne Shariif Xassan shiikh aadan ayaana aheeyn mid Warbaahinta loo shaacinaayo waxyaabah kullanka iyo xogtiisaba,taas ayaa sii hurin karta cabsida Kheeyre iyo Kooxdiisa.

Dowladda Hadda jirta ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay mida uga liidatada Dowladahii dalka soo maray Maadaama aysan Laheeyn Go’aan cad waxaana la aaminsan yahay in siyaasadda qatar oo Argagaxida taageerto lagu maamulo Madaxtooyadda