Kulankii Yamamoto iyo Axmad Madoobe maxaa ka soo baxay – XOG (Video-Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maalintii doraad ahayd booqasho aan la shaacin ku tagay magaalada Magaalo madaxda ku meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Kismanyo Safriirka dalka Mareykanka u  fadhiya Soomaaliya mudane Donald Yamamato.

Kulankaan oo ah mid uu codsaday Yamamoto ayaa waxa looga hadlay labo qodob oo xasaasi ah 1) sidii xal loogu heli lahaa qilaafka u dhaxeeya dowlada Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada iyo 2) Doorashada dhawaan la filayo in lagu qabto dowlad goboleedka Jubbaland.

Arinta dooraashada waxa ka dhacay is afgarad buuxa, waxaana Axmad Madoobe  sheegay in Kismaanyo ay ka dhici doonto doorasho xalaal ah cid kastaa  qayb ka noqon karto  doorashadaas. Waxa uu Axmad muujiyay in amaanka iyo habraaca doorashada ay gacanta ku hayn doonaan hay’ado isugu jira kuwa ka madax banaan Dowlad Goboleedka Jubbaland sida gudiga madaxa banaan ee doorashada iyo kuwa dowlada hoos yimaado sida ciidamada amaanka ee Jubbaland.

Yamamoto ayaa codsaday in ay macquul tahay in dowlada Fedaraalka goobjoog ka noqoto doorashada arintaasna waxa  ku gacan seyray MW Axmad Madoobe  isaga oo sheegay in dowlada dhexe ayan dhex-dhexaadka noqon karin doorashada Jubbaland. Yamamoto ayaa ku qancay qaabka uu Axmad Madoobe ugu sharcay arimaha doorashada.  Yamamoto ayaa aad uga madahceliyay Madaxweyne Axmad Madoobe qaabka uu ku wado doorashada. Yamamoto ayaa balan qaaday in uu dowlada Mareykanka ay kaalin dhaqaale ka geysanayso qabashada doorashada.

Qodobka labaab ee xiriirka dowlada Dhexe, Axmad Madoobe ayaa ku dheeraaday hab dhaqanka xun ee Farmaajo iyo kooxdiisa ay ka wadaan dalka. Waxaana uu ka muujiyay rajo beel in Farmaajo iyo Kheyre noqon karaan labo dalka iyo dadka isku hayn kartaan. Axmad Madoobe ayaa ka digay dagaal sokeeye ee ka dhaca dalka Soomaaliya, dowlada Maraykanka ay eeda qayb ka qaadan doonto maadaama looga digay in dagaal ka imaan karo qaabka ay u dhaqmeyso dowlada dhexe.

Yamamoto ayaa talo u soo jeediyay in shir la isugu keeno madaxda dowlad goboleedyadda si xal loogu helo qilaafka jira. Axmad madoobe ayaa  sheegay in ka dowlad goboleedyadu ka daaleen beenta Farmaajo iyo Kheyre shir la isugu yimaadana ayan waxba koo kordhinaynin. Axmed Madoobe ayaa sii raaciyay in ay shir uu imaankaro kaliya marka isbadal ku yimaado dowlada hada jirta taas oo macnaheedu yahay in Farmaajo iyo Kheyre midkood baxo si jawi cusub oo wadahadal u bilaawdo.

Yamamoto ayaa u sheegay in ay wadatashi uu ka  wado dalka dibasiida iyo gudahiisa, dibna uu ugula soo noqon doono Jubbaland talabada la qaadayo nooca ay noqon doonto. Dhanka kale waxa uu Yamamoto muujiyay in uu rajo beel ka joogo dowlada dhexe. Yamamato ayaa yiri ” .. ma jeclayn in aan aniga noqdo qofka ka hadlo sidii labada dhinac la isugu keeni lahaa, waxa ay ahayd shaqadaa in ay qabato dowlada federaalka”.

Ugu danbayeentii Yamamoto ayaa ayaa waxa ugu hambalyeeyay dowlada Jubbaland guulaha ay ka soo hooysay la dagaalanka kooxda Al Shabaab iyo sida wanaagsan ee  uu ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab. Yamamoto ayaa  u gudbiyay Madaxweyne Axmad Madoobe dhanbaal hambalyo ah oo uugu sida taliyaha guud ee taliska AFRICOM.

Halkaan ka daawo Video

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=e-eerWTH75Y[/embedyt]