Magalada Kismaayo waxaa Maanta Kulankii 64-aad ee kalfadhiga 4-aad ku yeeshay Xildhibaanada Dowlad goboleedka Jubbaland,iyaga oo kulankaas uga hadlayay ka doodeen hindise sharciyeedka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha Jubbaland.
Hayeeshee waxaa Sharcigaas muran ka keenay Xildhibaanada qaar ee Dowlad Goboleedka Jubbaland,kuwaas oo sheegay in sharcigaan qodob ka mid ah uu yahay mid aan loo baahneyn in la horkeeno Xildhibaanada Jubbaland.
Xildhibaan Maxamed Daa’uud Cumar Jubba oo ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in hindise sharciyeedka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha Jubbaland ay ka mid yihiin in Guddiga Xildhibaankii iyo musharixii ay doonaan ay ceyrin karaan.
Waxa u sheegay in Xildhibaanada Jubbaland aysan ansixin doonin Sharcigaan,hayeeshee markii ay kulanka isaga soo baxeen ay maqleen inay ansixiyeen 20 Xildhibaan,isla markaana Baarlamaanka Jubbaland uu yahay 70 Mudane.
sikastaba ha ahaatee arrintan ayaan la ogeeyn halka ay ku danbeeyn doonto iyadoo madaxweyne axmed islaam lagu tilmaamayo inuu yahay shaqsi raba inuu dib ugu soo laabto talada maamulka jubbaland