Kulankii xalay ee Villa Soomaaliya oo lagu gaaray go’aan ka dhan ah Beesha Maxamuud Saleebaan (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Kulan  ay xalay mar kale isugu yimaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiisa oo ay ku jiraan Xassan Cali Kheyre, Fahad Yasin iyo qaar ka mida ganacsata beesha Mareexaan ayaa waxa looga hadlay Doorashada Puntland iyo qaabka loo taageeri lahaa Musharaxiinta uu wato MW Farmaajo.

Kulanka ayaa sidoo waxaa looga hadlay qoraalka ka soo baxay dowladda Puntland kaas oo  dowlada Fedaraalka looga mamnuucayo in ay timaado degaanada Puntland inta ay socoto doorashada Puntland. Madaxweyne Farmaajo oo aan sinaba u qarsanaynin dareenkiisa ku wajahan beesha Majeerteen gaar ahaan Beelaha  ku abtirsada Maxamuud Saleebaan ayaa si caro ah u yiri “waxaa balan nagu ah in shacab reer Puntland aan ka saarno gumaysiga ay ugu jiraan beesha Maxamuud Saleemaan oo is mooday in ay iyada leedahay Puntland”.

MW Farmaajo ayaa qarsanin naceebka uu u qabo qaar ka mida beelaha dego Puntland oo uu u arko in ay khatar ku yihiin awooda beesha Mariixaan. Kulankii xalay ayaa la isku waafaqay in  wixii lacag ah loo diro musharaxiinta dowlada wadato. Waxaa sidoo kale la la iksu waafaqay in  warbaahinta dowlada Fedraalka ay lacagta sida joogtada hadda u siiso ay si buuxda u taageeraan musharaxa Cali Ciise Cabdi oo horay lacag gacan qabsi ah dowlada u siiyay. Farmaajo ayaa yiri ” u sheeg Cali Yare, Cali Nuur iyo Xassan  in berito si xoowli ah loo buubbuuniyo daahfurka musharax  Cali Ciise Cabdi”. Cali Ciise Cabdi ayaa ehel la ah madaxweyne Farmaajo.

Waxaa muuqata in MW Farmaajo go’aansaday in uu dagaal cad ku qaado beesha Maxamuud Saleebaan iyo guud ahaan beelaha dega Puntland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!