Kulankii xalay ee MW Waare iyo Fahad Yaasin maxaa ka soo baxay?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xalay kulan saacado qaatay wada yeeshay Agaasime ku xigeenka Hay’adda NISA iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Kulankaan oo dadka laga qariyay ayaa waxaa looga hadlayay sidii MW Waare qayb weyn uga qadan lahaa dagaalka ka dhanka ah Madaxweyne Axmad Ducaale Xeef. MW Waare ayaa go’aansaday in uu noqday mid u adeega ujeedooyinka dowladda Qatar iyo Fahad Yaasin. Waxaana muuqato in uu majlis u noqday qorsha la doonayo in lagula dagaalo Dowlad Goboleedyadda iyada oo la istcimaalayo dhaqaalaha ay balan qaadeen sirdoonka Dowladda Qatar.