Kulankii xalay ee Madaxtooyda oo lagu go’aamiyay in maanta hub iyo daawo gurmad ah loo diro Galgaduud

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu kulan la qaatay qaar ka mida raga horseedka ka ah dagaalka ka socda degaanka Galgaduud iyo xuduuda Soomaaliya  iyo Itobiya. Kulanka xalay dadkii ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Xildhibaano iyo Wasiiro ay ku jiraan Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire, Cabdi Shire Ciyaal Jecel iyo Eng Bashiir.

Kulanka ayaa waxaa la isku waafaqay in hub iyo daawo deg deg lala gaarsiiyo deegaanka. Farmaajo oo u muuqda mid iska bari yeelayo dhibka ka jira  gobolada Dhexe  ayaa waxa uu la kulmay taliyihii hore ee ciidanka   Xooga Dalka Janaraal Cabdiwali Gorod oo ka soo jeeda beesha Sacad ee dagaalka kula jirto beesha Mariixaan.  Gorod ayaa eed dusha uga tiiray hogaanka Madaxweyne Xeef oo uu sheegay in uu ka danbeeyo dagaalka ka socda Galgaduud iyo Mudug. Cabdiwali Gorodf ayaa in mudo ah da’daal ugu jiro in lagu badalo Madaxweyne Xeef.

Waxaan shaki ku jirin in colaada ka socota degaanka Galgaduud ay ka sii dari doonto hadii MW Farmaajo hub iyo kaalmo dowladeed u diro beesha uu ka dhashay oo qayb ka ah dagaalka.

Maalintii shalay ahayd ayaa odoyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda degaanka dagaalka ka socdo ay baaqa soo saareen kaas oo ay ku codsanayaan in dagaalka si dhaqso ah loo joojiyo dowlada Fedaraalkana ay joojiso si hurinta coladaas.

Advertisements
Xayeeysiin