Waxaa xalay ka dhacay Magaalada Nairobi kulan qaatay mudo afar saacadood ah. Kulan Waxaa u dhaxeeyay Fahad Yasin iyo Sharif Xassan Shiikh Aadan oo ku wehliyo Xildhibaan Cabdirahaman Dheere. Kulanka Waxa uu ka dhacay hotelka Palacina ee ku yaalo duleedka madaxtooyadda dowlada Kenya
Kulanka ayaa looga xaajoonayay mooshinka la doonayo in laga keeno Gudoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari iyo sidii dowlada Kheyre isbadal loogu sameeyn lahaa iyo doorka Sharif Xassan uu ku yeelan karo cida lagu badalayo Raysal Wasaare Kheyre hadii la badalayo.
Sharif Xassan oo xiriir hoose la lahaa dowlada imaaraadka ayaa u muuqda mid u wareegayo dhanka Qatar mar hadii uu helayo lacag uu ku badasho taageerida imaaraadka. Fahad ayaa ay ka go’an tahay in uu ceyriyo gudooomiyaha baarlamanka Jawaari oo u muuqata in uu dar-dar galinayo mooshinka laga wado Raysal Wasaare Kheyre.
Waxaa Sharif Xassan loo balan qaaday in dowladda Qatar siin doonto lacag gaaraysa $5 Milyan taas oo uu ku gali doono doorashad lagu wada in ay dabayaqada sanadkan ka dhacdo koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Waxaa nasiib xumo ah in danahii dalka iyo dadka uu hogaanka hayo shaqsi aan la dooran isla markaana ku tagrifalaayo awodii Madaxweynaha. Fahad Yasin oo aan laga qaban Soomaliya qaranimadda Soomaliya waxa uu ku danbeeynayaa burbur.