Kulankii Wadatashiga Qaran oo wali la isku mari la’ayahay isaga oo galay maalintii 3aad

Reading Time: 2 minutes

Wadahadalada madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda uga bilowday caasimadda Muqdisho ayaa galay maalintii saddexaad iyadda oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan gorgortanka.

Waxaan ilaa iyo hada aan lagu heshiin warmurtiyeedka shirka ka soo bixi lahaa iyada oo dhinacyada kala duwan isku haystaan qodobo badan oo muhim  ah oo ay ku jirto maqaamka Muqadisho.

Dhanka kale, Ajandaha dadweynaha lala wadaagay in shirka lagu lafogurayo ayaa ah kala xadaynta awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si lamid ah federaalaynta garsoorka.

Hase ahaatee, macluumaadka laga helay illo wareedyo aad ugu dhuun-daloola wadaxaajoodka ayaa xaqiijinaya in madaxdu ay ka doodey qodobo ka baxsan ajandaha kuwaasoo ay kamid yihiin xiisadaha oogan.

Dooda Saciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lasoo wariyey in uu diidey in uu ka hadlo ajandaha shirka isaga oo u cuksadey “in uusan u soo diyaar-garoobin soona qaadey dukumiintiyadii muhiimka ahaa”.

Sidda ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah, Deni ayaa ku adkeysatay in Puntland iyo dowladda federaalka ay si gaar ah isaga arkaan ajandaha “taasoo lama filaan ku noqotey madaxda kale”.

Deni ayaa waqtigiisa ugu badan wuxuu gelinayaa nooc doorasho oo lagu muransan yahay taasoo siyaasiyiin iyo shacab ay sheegeen in uu ku hoos-qarinayo muddo kororsi baalmarsan dastuurka Puntland.

Xasarada Koonfur Galbeed

Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen ayaa lagu waramay in uu aad uga goos-adeegay u hogaan-samida baaqyada ku aadan in uu doorasho qabto isla markaana meel iska dhigo “muddo kororsiga sharci daradda ah”.

Isla maalinta uu shirka bilowday oo ah Axadii, dad u badan dhalinyaro ayaa ku banaanbaxay isgoyska KM4 ee Muqdisho waxaana ay dalbadeen in uu xilka baneeyo iyaga oo diidey ku darsigiisa halka sano.

Guddoomiyaha gobolka shacabka, Aadan Madoobe, ayaa xalay waxa uu la kulmay musharaxiinta madaxtinimada Koonfur Galbeed iyaga oo “isla-qaatay shirka dib-u-heshiisiinta” ee loo balansan yahay 5-ta Janaayo.

Kala qeexista awoodaha federaalka

Warsidaha Garowe Online oo aragtay mid ka mid ah dokumendiyada laga doodayo ee dhanka awood qeybsiga ayaa waxaa muuqata in dowladda federaalka si buuxda loogu dhaafay arrimaha dibedda.

“Balse waxaa la kala qeybsanayaa inta badan arrimaha kale sidda difaaca,” ayay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo kuna dhow wadaxaajoodyadda.

Dowlad goboleedyada ayaa, sidda ay xogta muujineyso, waxaa dhankooda ay qaateen awoodo kale oo badan, balse kormeerka waxaa la siiyay dowladda federaalka. Lama ogga in qodobkan loosoo bandhigi doono dadweynaha.