Kulankii uu Qoor Qoor ku baaqay ayaa xalay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug ka dhacay iyada oo ayan soo xaadirin Xildhibaanadii ugu badnaa. Kana dhaga adeegeen baaqiisi. Kulanka waxa yimid koox yar oo uu aad uga codsaday inay yimaadaan si usant u ceeboobin.
Kulanka uu xalay la qaatay Qoor Qoor Xildhibaanada labada Aqal ayuu ku sheegay in uu doonayo in xildhibanada labada aqal ee Galmudug ay hal meel codkooda geeyaan. Waxa ka muuqatay dareen uu ku doonayay in uu u sheego inay u codeeyaan Farmaajo, laakiin waa la baqay in uu fartiintaas uu si toos ah ugu sheegao xildhibaanada.
Fashilka kulankii xalay waxa ka dhashay su’aalo badan oo ay ku jiraan; mar hadii uusanba isku keeni karin xildihibaandii laga soo doortay Galmudug , muxuu u qaban karaa Farmaajo amaba isaga uu qabsan karaa? Qoor Qoor ayaa lagu tuhmayaa in uu isag doonayo in uu u tartamo jagada madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxda dowlad goboleedyada ayaa soo saartay Xildhibaano badan oo katirsan labada Aqal si ay u jiheeyaan siyaasadooda sidoo kale gorgortan ugula galaan Musharaxiinta isku haya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Galmudug ayaa isugu jira muxaafid iyo mucaarad, waxaana adkaan doonta in Madaxweynaha Galmudug uu jiheeyo siyaasada iyo aragtida xildhibaanadaasi ay ku jiraan kuwa saameyn badan leh.