Bishii Maarso 12keedii, 2018 ayay ahayd markii Barlamaanka Somaliya si aqlabiyad ah u soo saaray qaraar uu dalka kaga mamnuucayo shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaradka Carabta. Si uu sharci u noqdo qaraarka Barlamaanka waxaa loo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo oo ilaa hadda diiday in uu saxiixo ama uu ku celiyo Barlamaanka. Sida aad la socotaan go’aanka Baralamaanka ayaa ka danbeeyay ka dib markii shirkadda DP World ay sheegtay in dowladda Somaliya ayan wax talo iyo awood ku lahayn heshiiska u dhaxeeya Somaliland iyo shirkadda DP World.
Hadaba waxaa mudan in la isweydiiyo halkee ayuu ku danbeeyay go’aankii Barlamaanka Somaliya ee la xiriray shirkadda DP World iyo dowladda Imaraadka Carabta. Barlamaanka Somaliya waa hay’adda ugu sareeysa ee sharci dajinta dalka. Dowladda MW Farmaajo waxa ay qaaday talaabooyin ka hor imaanaya go’aanka Barlamaanka iyo heshiisyo hoose oo lala saxiixday wadamo iyo shirkado lagana qariyay shacabka Somaliyeed.
Dhanka kala waxaa muuqata in safaradda Ra’iisal Wasaare Kheyre ku tagay wadamadda Imaraadka, iyo Sacuudiga ay la xariirto taabagalinta heshiiska DP World iyo arimo kale oo laga qarinaayo shacabka Somaliyeed. Su’aasha u baahan in la is weydiiyo aya ah maxaa ka dhaxeeya kulankii Riyaad ee asbuucaan, Heshiiskii Abu Dhabi ee bishii Maarso iyo dhagaxdhigii DP World ee Berbara?
- Bishii Maarso 1deeda, iyada oo uu RW Kheyre ku sugan yahay dalka Imaaradka oo uu ku joogay boqosho rasmi ah aya waxa magaalada Abu Dhabi lagu saxiixay heshiis sadax geesood ah oo u dhaxeeyay; Imaaradka, Itoobiya iyo Somaliland. Inkastoo RW Kheye oo idaacaha ka dahlay beeniyay in uu qeyb ka ahaa kulankaas aya hadana waxa gadal ka soo baxday in uu raali ka ahaa lagana talagaliyay heshiiskaas.
- Bartamihii asbuucan waxaa RW Kheyre safar ku tagay dalka Boqortooyadda Sacuudiga, isla asbuucaan oo ku begnayd maalinta bisha Oktoobar ahayd 10keeda waxaa magaalada Hargeysa yimid wafdi balaaran oo ka socday dalka Imaaradka si ay uga qeyb galaan barnaamijka daahfurka dhismaha Dekadda iyo saldhiga ciidan ee Barbara.
- Maalintii labaad ee safarkiisa RW Kheyre waxaa uu kulan qaasa la qaatay saraakiisha sirdoonka iyo Wasaaradda Arimha Dibadda ee Boqortooyadda Sacuudiga. Kulankaas ka dibna waxaa isbadal lagu sameeyay qaabkii qaabiladiisa iyo soo dhaweyntiisa waxaana sare loo qaaday baratakoolka soo dhaweyntiisa oo lagu daray in lala kulansiiyo madaxda ugu sareeysa Boqortooyada Sacuudiga oo ay ku jiraan boqorka iyo wiilkiisa. Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah isbadalkaan maxay ku badalatay dowladda Sacuudiga?
- Dhanka kale RW Kheyre waxa uu la kulmay taliye ku xigeenka Nabad Sugida ee dalka Sacuudiga Sareeyo Guuto Axamed Xassan Maxamed Asiri oo bishii Sabteembar 22dii safar qarsoodi ah ku tagay Somaliland. Lama ogi waxa ay sida qaaska uga wada hadleen laakiin waxaa la rumeysan yahay in ay la xariirto Somaliland
- Bisha Octobat 10keeda RW Kheyre waxa uu uu kulan qarsoodi ah kula qaatay magaalada Riyad wafdi ka socdaya dalka imaaraadka kaas oo looga hadlayay dhameeystirka heshiiskii DP world iyo dib u soo nooleynta xiriirka labada dhinac
- Bisha Octobar 11 waxaa si rasmi ah loo daahfuray Dhismaha Mashruuca dhsimaha dekadda Barbara. Daahfurkaas ayaa lagu daabacay wakaaladdaha wararka ee dalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Kulamada kor ku xusan waxa ay cadeeyn u yihiin in RW Kheyre uusan safaradiisa ka talagalin hogaanka xumumadda iyo MW Farmaajo oo howlgab noqday. Ma jiro gole baarlamaan ama gudi baarlamaan oo la xisaabtamayo heshiisyadda sirta ah ee uu shaqsiyan ula galayo wadamo iyo shirkado gaar loo leeyahay.
Waxaa muuqata in RW Kheyre safaradda uu ku tagay dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga ay labadaba ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa isla markaana ka hor imaanaya danaha guud ee dalka, dadka iyo diinta. Dowladda Sacuudiga oo ah dowlada taariikh dheer ku leh dublamaasiyadda aadna u taqaan sida loola dhaqmo hogaanka ku kooban shaqsiga ayaa u muuqda in ay indho-sarcaad ku rideen RW Kheyre iyada oo ujeedadoodu ahayd in lagu qanciyo in uu taageero danaha Boqortooyadda Sacuudiga.