Kulankii qarsoodiga ahaa saraakiisha Itoobiya iyo Farmaajo maxaa ka soo baxay

Reading Time: < 1 minute

Xog  hoose oo ay heshay Muqadishu Online ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo intii uu ku sugnaa magaalada Garowe uu la kulmay saraakiil ka socotay dalka Itoobiya. Saraakiishaan ayaa tagay magaalada Garowe sadax maalin ka dib markii uu Farmaajo ka dagay magaalada Garowe.

Kulankaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa ka dhacay xarunta martida ee magaalada Garowe, waxaa uu ahaa mid fartiin loogu gudbinayay Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday madaxweyne Cabdiwali Gaas in kulankaana noqdo mid qarsoodi ah oo laga ilaaliyo in wafdiga madaxweynaha uusan ogaan.

Kulankaan ayaan wali la shaacinin wixii ka soo baxay, laakiin warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxaweyne Farmaajo ansaxiyay in ciidamada itoobiya ay soo galaan degaanada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyaga oo ugu danbeeyn imHub  aan doono magaalada Muqadishu. Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay qaaday Hub dowlada  Itoobiya u soo iibisay Soomaliya oo la lunsaday. Itoobiya ayaa eedadusha ka saartay hogaanka Xasaan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka.

Waxaa kaloo uu Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay dowlada Itoobiya qaban qaabada iyo taakulaynta heshiiska Al sunna Wajameeca iyo maamulka Galmudug. Inkastoo dowlada Soomaliya sheeganayso in ay hogaaminayso shirka dhusamareeb hadana waxaa kulanka soo qaban qaabiyay hogaankana u hayo dowlada Itoobiya.

Waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa faahfahin ku saabasan kulankaas iyo qodobadii lagu heshiiyay