Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maalintii shalay ahayd safar ku tagay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa markiisii hore qorshaynayay inuu safar hal maalin ah ku tago Muqdisho laakiin hada waxa ay u muuqatao inuu safarkiisa ka badnaan doono maalin.
Madaxweyne Deni oo ahayd in uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeesho kulan gaar ah isla maalintii shalay ahayd ayan suuragalin laakiin la filaayo in kulankoda uu dhaco maanta oo Isniin ah..
Kulanka labada dhinac ayaa sida xogo hoose tilmaamayaan looga hadli doonaa fulinta ballamo hore oo lala galay Siciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay si dadban u hakiyay xiriirka Villa Somalia oo uu ku eedeeyay ballan-ka-bax..