Kulankii Midowga Musharaxiinta iyo Gud. Mursal oo fashil ku dhamaaday

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Baarlaanka Maxamed Mursal oo ah shaqsi lagu yaqaano jileec, been iyo karti xumo ayaa xalay u deeyriyay xubnaha Midowda Musharxaiinta oo ay hogaaminayeen Madaxweynayaashii hore, isaga oo si dadban u sheegay in uuusan noqon karin kusimaha Madaxweynaha dalka.  Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ahaa mid uu albaabada u xiran yahay, wuxuuna qaatay muddo saacado ah.

Kulankaan ayaa dhacay saaacad ka dib markii Gudoomiye Mursal uu kulan dheer  la soo qaatay Madaxweyne Farmaajo kaas oo uu uga digay Gudoomiyaha  in uu ku dhaqaaqo talaabooyinka ay doonayaan mucaaradka ee an in uu isagu isku magacaabo kusimaha Madaxweynaha.

Sida ay noo sheegen dad goobjoogayaal ah, kulanka ayaa Intiisa badan waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, arrimaha doorashooyinka iyo sida laga yeelayo xil-heynta madaxweynaha, maadaama uu waqtiga ka dhammaaday madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Midowga musharraxiinta ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kala hadleen inuu qaato doorkiisa, islamarkaana uu ku sime ka noqdo dalka taas oo uu ka biyo diiday Mursal, sida ay shaaciyeen ilo ku dhow kulankaasi.

Dhanka kale xaaladda dalka ayaa haatan cakiran, iyada oo aanay kala caddeyn, sida ay wax noqon doonaan, maadaama lagu heshiin waayey doorashada dalka ee 2021-ka. Midowga Musharaxiinta ayaa meel cidla ah ku soo dhacay iyaga oo ayan u suugaralin in ay qabtaan mudahaardyo looga soo horjeedo Farmaajo,a ama ay adeegsadaan awood ciidan ama xubnaha ka tirsan Baalamaanka Federaalka si Villa Soomaaliya looga saaro Farmaajo.