Maxaa ka soo baxay kulankii labada aqal ee xalay?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa habeenkii xalay aha ka dhacay magalaada Muqadishu kulan ay isugu yimaadeen Guddiyada joogtada ah ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliy. Kulanka  ayaa looga hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen wada-shaqeysta u dhexeysa labada aqal, kaddib markii dhawaan ay ka heshiiyeen khilaafyadii ku dhex-jiray.

Kulankii xalay ayaa waxaa shir-guddoominayaya labada guddoomiye ee labada aqal ee baarlamaanka Somalia, Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana goobjoog ka ahaa; gudoomiye ku-xigeennada labada aqal iyo xubno kale.

Sidoo kale kulankii xalay ayaa looga hadlay sidii loo sameyn lahaa xeer hoosaad labada aqal ay wada leeyihiin oo ay kuwada shaqeeyaan taas oo sahli doonta sidii wada-shaqeynta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka loo xoojin lahaa.

Sida la wada ogsoon yahay dhowr asbuuc ka hor ayaa ay ahayd markii labada guddoomiye ee labada aqal ay heshiis kama dambeys ah ka gaareen khilaafyo soo jiitamayay oo u dhexeeyay, kuwaasoo saameyn xooggan ku yeeshay hawlaha labada aqal ee Golayaasha Baarlamaanka Somalia.

Dad badan ayaa qaba in ayan marnaba suurtagal ahaan doonin in labada aqal ay si rasmi ah u wada shaqeeyaan ilamaa la dhamaystiro dastuurka qabyada ah oo kala cadayn doono shaqoonyinka labada aqal.

Heshiiska labada aqalka iyo kulankoodaan ugu horreeyay ee wadajirka ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli muddada u hartay labada aqal ay aad u kooban tahay, ayna horyaallaan hawlo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.