Waxaa sadaxdii bilood ee la soo dhaafay socday kulamo gooni gooni ah oo dhex maraayay Ganacsatada ku ganacsata Magaaladda Muqadishu iyo nawaaxigeeda iyo Kooxda Argagaxisadda ee Al Shabaab. Kulankii ugu danbeeyay ee ka dhacay duleedka ceelasha biyaha ayaa ahaa mid aan qarsoodi ahayn oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mida hogaanka kooxda Al Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya.
Kulanka oo ay iclaamiyeen ama ay ku baaqeen kooxda Al Shabaab ayaa ahaa kulankii labaad oo loogu yeero dhamaan hogaanka ama mas’uuliyiinta, milkiilayaasha shirkadaha yar-yar iyo kuwa waaweyn ee ku ganacsada magaalada Mugadishu iyo nawaaxigeeda iyo guud ahaanba Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wax ka soo qayb galay ganasatada dhoofiya ama soo dajiya qalabka dhismaha ee kala duwan.
Milkiilayaasha ganacsi ee aan imaan karin kulanka sababo shaqo awgood waxa ay soo wakiisheen ganacsato kalo laakiin waxa lagu qasbay in ay qadka teleefanka ay soo galaan oo ay kulanka sidaas uga qayb galaan.
Kulanka oo bilaawday subax barqo ah aya waxa uu socday mudo ka badan dhowr saacadood waxaana halkaas lagu qashay neef Geel ah oo ay kooxda Al Ahabaab ku martiqaadeen Ganacsatada shirk ka soo qayb gashay.
Kooxda Al Shabaab aya u sheegtay ganacsadatada in dagaalkii lagula jiray waxa ay ugu yeereen “Mujrimiinta ama dowladda” iyo kuwa la shaqaystaba uu meel wanaagsan soo gaaray. Dhaqaalaha ay ganacsatada bixisana ay qayb ka ahayd guusha la gaaray laakiin waxa loo sheegay ganacsatada in ay shaqada laga rabo ay ka weyn tahay lacag bixin oo kaliya laakiin looga baahan yahay in ay si buuxda uga qayb qataan jihaadka socda.
Kooxda argagaxisadda Al Shabaab aya sidoo kale sheegtay in ay jiraan koox ganacsato ah oo ka caga jiiday in ay kordhiso lacagahii lagu qoray laakiin “aad arki doontaan mar aan fogeeynin dhibka soo gaaro”. Kooxda Al Shabaab aya ku amartay Ganacsatada in ay kordhiyaan dhaqaalaha isla markaana ay kaalin buuxda ka geystaan sidii ciidaniyo dhaqaale dheeraad ah loogu heli lahaa waxa ay ku tilmaameen Jihaad.
Mid ka mida hogaanka Al Shabaab oo halkaas salaada duuhurka ku dushiyay ganacsata ayaa yiri “Farmaajo iyo mujrimiintiisa waqtigooda waa dhamaaday dalkana waa laga sifeynayaa mar aan dhawaynin, kuwiina damaca kaga jiro in ay la shaqeeystaan dowlad ku sheega waxan idin sheegeynaa in kooxdaan waqtigeeda dhamaaday, su’aashuse ay tahay halkeed baad ku ganacsan doontaan”.
Sida ay warar lagu kalsoon yahay ku heshay MOL waxa kooxda Al Shabab ay kordhisay dhaqaalaha ay ka qaado ganacsatada kuwaas oo labolaab laga dhigay sidoo kale waxa la badaly qaabkii bixinta lacagta waxaana hadda lagu qasbay ganacsatada in ay ayaga lacagta keenaan iyada oo cadaan ah (cash) ama ay ku shubaan koontoonyin cusub oo ka duwan kuwii hore.