Kulankii la qariyay ee Farmaajo & RW Israa’iil.

Reading Time: < 1 minute

Xog faahfaahsan oo laga helay ‘safar qarsoodi ah oo uu Farmaajo ku tagay Israa’iil’

Wargayska “Times of Israel” ayaa daabacay warbixin uu ka qoray xogta ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu sheegay in uu dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Kulanka labada hoggaamiye oo markaas xilalka waddamooda hayay ayaa dhacay horaantii sanadkii 2020-kii, sida uu wargayskan Israa’iil laga leeyahay kasoo xigtay diblomaasi hore oo arrintaas ka warhayay.

Sida lagu xusay warbixintan, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2020-kii u duulay magaalada Qudus, isagoo uu wehlinayay Balal Cismaan, oo ahaa wakiilkiisa arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Farmaajo iyo Netanyahu ayay suuragal tahay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan abuuriska xiriir u dhaxeeya labada waddan, sida uu Wargaysku xusay.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Israa’iil waligood ma shaacin kulan madaxdooda dhex maray iyo in ay xiriirkooda dhisayaan.

“Balse dadaalladaas ma aysan taageereynin dowladdii Mareykanka ee xilligaas uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump , oo aan rabin in uu Soomaaliya kusoo daro arrimaha Gobolka,” ayuu yiri diblomaasiga uu soo xigtay wargayska.

Waxa uu sheegay in Trump uu Soomaaliya ku nacay sababo la xiriira Xildhibaanadda Xisbiga Dimiqraaddiga ee sida wayn u dhaliili jirtay, Ilhaan Cumar, oo qaxootinnimo uga timid Soomaaliya.

Diblomaasiga xogtan faafiyay, oo la wareystay maalintii Isniinta, ayaa sidoo kale sheegay in kulan kaas ka horreeyay uu Farmaajo iyo Netanyahu dhexmaray 28-kii bishii November ee sanadkii 2017.

Xigasho: BBC