Kulankii Golaha Was. ee Puntland oo maanta lagu ansixiyay Gobol & Degmo Cusub

Reading Time: < 1 minute
Waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulan oo maanta oo looga hadlay arimo  kala  duwan oo ay ku jiraanah amniga Puntaland, Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka, Ansixinta Gobalka Taleex, Degmada Yagoori iyo Warbixino Kale. Kulanka ayaa lagu ansaxiyay aqoonsiga Gobolka Taleex iyo Degmada Yaqoori. Ansaxintaan ayaa ku soo aadeyso iyada oo ay doorashada Puntland ka hartay in ka yar afar asbuuc.