Kulankii Farmaajo iyo beesha Abgaal: “waa in aad sameeysataan ciidan beeleed”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa  uu dhawaan la qaatay kulan gaar ah qaar ka mida hogaanka oday dhaqameedka beesha Abgaal. Kulankaas oo ahaa mid uu Farmaajo codsaday ayaa waxa uu ka dhacay hoyga Farmaajo ka degan yahay xarunta Villa Soomaaliya.

Kulankaas ayaa Madaxweyne Farmaajo  waxa uu uga hadlay beesha Abgaal in Kooxda Al Shabaab awoodooda ay ku soo badanayso Gobolka Banaadir iyo nawaaxigeeda. Farmaao ayaa sidoo kale u sheegay odoyaasha beesha Abgaal in  degaanka Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada hoose laga yaabo in ay gebi ahaanba la wareegaan  kooxda Al Shabaab. Farmaajo ayaa u sheegay odoyaasha iyo siyaasiyiinta la socotay in hadii Shabeelada Dhexe uu Shabaab la wareego ay adkaan doonto in Muqadisho la difaaco.

Famraajo ayaa ka codsaday beesha Abgaal in ay diyaarsato maleeshio beeleed la dagaalanta kooxda Argagaxisada ee Al Shabaab. Oday ka mida Odoyaasha ayaa yiri “ Mudane Madaxweyne ma waxaad na leedahay ciidaan beeleed sameeysta”. Farmaajo oo aan ka leex-leexan hadalka odayga ayaa yiri “haa wixii taakulayn ahna aniga ayaad idin siinaya”.

Odoyaashii shirka joogay ayaa mar qura is fiiriyay iyaga oo la yaaban hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo.  Odoyaasha Abgaal oo yaaban ayaa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada iyada oo lagu wargaliyay in ay hoowsha aruurinta ciidanka ay si dhaqso ah u bilaabaan.

Cali Maxamed  Geedia ayaa sheegay in Farmaajo uu isaga u xilsaaray fulinta hoowsha aruuntina ciidanka iyo gobaha laga soo uruurinayo. Cali Geedi ayaa yiri “mar hadii aanay jirin ciid difaaci karo caasimada, beesha Abgaal waa ay ku filan tahay la dagaalanka Kooxda Al Shabaab” Cali Geedi ayaa ku daray “ Xamar waxaa horay u xureeyay oo dhiigooda ku daatay beesha Abgaal hadana isaga kaliya ayaa difaaci kara”.

Hadaba maxaa ku kalifay in MW Farmaajo dib ugu noqdo maleesho beeleed waqtigeedii laga soo gudbay oo Soomaaliya u  gudubtay dowladnimo. Ciidamada  difaaca caasimada iyo labada Shabeele ayaa u badan beelaha Hawiye, gaar ahaan beesha Abgaal,  ciidankaas  ayaa habeen iyo maalin  dhiigooda u daadiyo difaaca dowlada hadana waxa ay ciidankaas dareemayaa in kooxda Farmaajo la joogto ay ku bilaabeen midab takoor iyo dagaal ku saleeysan qabiil iyo hayb sooc.

Muse Ali Raage oo ka mida ciidanka ku jira jiida hore ee Shabeelada Dhexe ayaa yiri “sadax walaalahaygaa aa ku dhintay la dagaalanka Al Shabaab anigana waxaan hadda ku jiraa dhufeeys, hadana habeen iyo maalin waxa la igu hayaa caay iyo aflagaado,xuquuqdeydana waa la’a hay…. mar mar ayaan isweeydiyaa xaa u dhimahaysaa ileen Qaran loo dhinto ma jogee”.

Fahad Yasin iyo la taliyaha Amniga Cabdisacid Cali Muse oo aan hal qof oo beeshooda ayan ka tirsnayn ciidanka habeen iyo maalin ku dhimanaya difaaca dowlada ayaa waxa ay ciidanka ula dhaqmaan qaab lagu bahdilayo sharaftooda iyo karaamadooda, mararka qaarna lagula dagaalayo qaab qabiil iyo salka ku haya aargoosi.

Xayeeysiin