Kulankii caawa ee RW Kheyre iyo MW Waare maxaa ka soo baxay?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa caawa kulan ay albaabada u xiran yihiin ku yeeshay guriga Ra’iisal Wasaaraha, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabele Maxamed Cabdi Waare iyo RW Kheyre. Kulankaan ayaa dabasocday qorshooyin iyo isku dayo ay wadeen MW Farmaajo iyo RW Kheyre taas oo la doonayay in lagu kala furfuro madaxda Dowlad Goboleedyadda.  Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegay in RW Kheyre oo wakiil ka ah MW Farmaajo uu u balan qaaday MW Waare in uu siin doono lacag aan cadadkeeda na loo sheegay taas  oo noqon doonto mid joogta. Waxaa kaloo loo balan qaaday in lagala tashan doono magaacabista Wasiiradda iyo safiiradda.  Laakiin sida wararka nagu soo gaarayaan MW Waare ayaa ka biyo diiday soo jeedintaas isaga oo ku adkeystay in aan marnaba la iibsan karin qadiyadda Ururka Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda. MW Waare ayaa yiri ” labadan nin lama aamino karo, waxa ay ku nool yihiin qayaali ka baxsan xaqiiqda iyo xaalada dalku marayo” Waare waxa kale uu ku daray ” ..waxaan u sheegay labada nin  in ay la yimaadaan caqli iyo aragti cusub oo labada dhinac la isugu soo dhawayn karo dalkana lagu badbaadin karo  inta aan la gaarin shirka Garowe oo la filaayo in uu dhaco bisha Oktoobar 10keeda” 

Waxaa nasiib xumo ah in MW Farmaajo iyo RW Kheyre ay doonayaan in ay musuqmaasuq iyo lacag ku xaliyaan xaalad siyaasadeed oo u baahan wadatashi, isku samir, dulqaad iyo is faham.