Waxaa labadii maalin ee u danbeeysay kulamo ku lahaa magaaalada Nairobi ee dalka Kenya Fahad Yaasin oo wakiil ka ah Xassan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe. Muqadishu Online ayaa heshay xog rasmi ah iyo nuqul ka mid ah qodobadii lagu heshiyay. Inta aaanan idin soo gudbin qodobadii lagu heshiiyay waxaa lama huraan ah in aan milicsano sababihii ku kalifay dowladda Fedaraalka in ay wadahadal qasab ah la furto Madaxweyne Axmad Madoobe.
Kulankaan Nairobi ayaa waxaa salka ku hayaa lix qodob;
- Sida MOL loo xaqiijiyay kulankii beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub iyo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Rosemary A. DiCarlo ay kula yeesheen Xassan Cali Kheyre magaalada Muqadishu ayaa lagu wargaliyay RW Kheyre in dhaqaalaha la siiyo dowlada Soomaaliya la joojin doono hadii aan xal dhaqso ah loo helin khilaafka u dhaxeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Fedaraalka. Arintaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan doonto qiimeeynta la filaayo in ay sameeynayso hay’adda IMF bisha soo socoto taas oo laga yaabo in dib loogala noqoto dowladda Soomaaliya tixgelintii horay u siisay Hay’ada IMF iyo Bangiga Aduubka.
- Axmed Madoobe oo ku guuleystay in uu xiriir adag la sameeysto hogaanka Dowlada Kenya xiriirkaas uu ugu horeeyo kan uu la sameeystay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Axmed Madoobe iyo Uhuru Kenyatta ayaa sadax mar kulmay lixdii bilood ee u danbeeysay. Sdioo kale Dowlada Kenya ayaa lacag cadaan ah ugu deeqday Mamaulka Jubbaland si loo dardar-galiyo dagaalka uu Axmad Madoobe kula jiro kooxda Al Shabab. Axmad Madoobe waxaa uu sidoo kale ku guuleystay in uu dhankiisa soo mariyo madaxda iyo hogaanka beesha Ogaadeen oo ay ku jiraan beesha Cawlyahan, taas oo burburisay qorshihii Farmaajo iyo tii Beesha Mareexaan oo lagu doonayay in si xoog ah kuriga looga qaado Axamad Madoobe. Hadii aan dhan kale u dhigno Beesha Ogaadeen oo isku duuban waxa ay taageereen Axmad Madoobe inta aan ka ahaynin Farah Macalin oo lacag lagu siiyo in uu Baraha Bulshada ka caayo Axmad Madoobe. Isku daygii ugu danbeeyay ee Farmaajo ee uu doonayay in uu ku kala qeybiyo beesha Ogaadeen waxa uu ku dhamaaday burbur ka dib markii Senator Yusuf Xaaji iyo Gudoomiyaha Gobolka Gaarisa Cali Buunoow ay ku gacan seyreen qorshihiisii ahaa in lala dagaalo Ahmed Madoobe.
- Jubbaland oo hoy u noqday Mucaaradka ka soo horjeedo Dowlada Farmaajo taas oo wal-wal cusub ku abuurtay Farmaajo iyo kooxda la shaqeeysato. Waxaa horay u tagay degaankas dhamaan madaxda Mucaaradka oo ay ku jiraan Xassan Shiikh iyo Shiikh Sharif . Sidoo kale waxaa loo balansanaa in Shirweyne uu leeyahay Mucaraadka lagu qabto Magaalada Kismaanyo bilaha soo socda.
- Sharif Xassan iyo Cabdiwali Gaas oo ay ka go’an tahay in ay dib u howl-galiyaan xisbigii Garowe lagu aasaasay sanadkii hore kaas oo noqonayo mid lagula dagaalo Farmaajo iyo Kooxdiisa. MOL ayaa horay idinkuugu soo tabisay in kulan arimahaan looga arinsamaani oo sadax gessood ah uu shalay ka dhacay Nairobi.
- In xal loo helo khilaafka ka dhaxeeya Jubbaland iyo Dowlada Fedaraalka inta aan la qaban shirka loo balansan yahay bisha Maarso oo lagu qaban doono magalaada Garowe. Hadii aan xal oo helina siinaya Jubbaland fursad ay ku guuleysato in uu ay la wareegto hogaanka ururka ay leeyihiin Dowlad Goboleedyada taas oo dagaal cusub abuuri doonto.
- Iyo ugu danbeeyn, Fahad Yasin oo ka codsaday hogaanka dalka Kenya in ay ka cafiyaan dacwada ka furan kiiskiisa oo la xiriirta ka been abuurida sharciga aqoonsida iyo dhalashada dalka Kenya. Dacwadiisa ayaa hakad la galiyay oo aan wali dhamaanin hadana waxa uu dalka Kenya ku jogaa baasaboor diblomaasi ah isaga oo masalaya dowlada Soomaaliya. Cafintiisa ayaa xujo looga dhigay in uu gabi’aanba joojiyo dagaalka uu kula jiro madaxda iyo shacabka Jubbaland. Dantiisa ayuuna ka arkay la heshiinta Axmad Madoobe.
Iyada oo qodobaas iyo qodobo kale uu tixgalinayo ayaa Xassan Kheyre ku qasbanaaday in uu dib u bilaabo xiriirka u dhaxeeya Axmad Madoobe iyo Dowlada Dhexe. Kheyre iyo Fahad Yasin ayaa la wereegay ajandaha howshaas halka Farmaajo lagu koobay kaalintiisa talo bixin.
Axmed Madoobe ayaa dhankiisa ka biyo diiday in uu si toos ah ula xaajoodo MW Farmaajo. Axmad Madoobe ayaa yiri “Farmaajo waa munaafaq beenloow ah oo ilaah ka baqin, mana aha qof qowleh, ee hadii mas’uulyada ay qaadeyso cid kale heshiis waa macquul”.
Shirka Fahad iyo Axmad Madoobe ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobadaan:
- in Dowlada Fedaraalka ay ay ku wareejiso dowlada Jubbaland lacagta (transfer) ah oo ay xaqa ugu lahayd dowlada Fedaraalka oo ay ugu horeeysao bixinta $1.6 Milyan. Bixinta tani lacagtaas ayaa noqonysa talaabada ugu horeeysa ee Muujinaysa in Kheyre uu run ka tahay wada xaaajoodka.
- In Dowlada Fedaraalka ay joojiso dhamaan dagaalka siyaasadeed ay ku hayso dowlad Goboleedka Jubbaland,
- In Dowlada Fedaraalka ay balan qaado in ayan marnaba faragalin ku soo samaayn doonin doorashada la filaayo in ay bisha Sibteembar ka dhacdo Jubbaland. Dowlada Jubbaland ayaa u madaxbanaanayso, maamuleyso, hogaaminayso go’aana ka gaarayso qaabka doorashada u dhaceyso
- Si loo taabagaliyo go’aanada shirkaas ka soo baxay waxaa asbuuca danbe safar ku tagaayo magaalada Kismaanyo Xassan Kheyre iyo Fahad Yaasin
- Asbuuca ugu danbeeya bisha Febaraayo waxaa magalaads Muqadishu safar ku tagaya Axmad Madoobe halkaas uu kula kulmi doono Farmaajo.
- Dowladda Fedaraalka waxa ay balan qaadeysaa in aan shir looga soo horjeedo maamulka Jubbaland iyo hogaankeeda lagu qaban karin magaalada Muqadishu, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaraadka ee ka soo horjeedo Axamad Madoobe.
- Axmed Madoobe oo taageero buuxda siindoono dowlada Fedaraalka una hogaansami doono go’aanada iyo shaqooyinka ay dowlada Fedaraalka rabto in ay ka fuliso degaanada hoos yimaado Dowlad Goboleedka Jubbaland.
- Dowlada Fedaraalka oo joojineysa xiriirka tooska ah ay la leedahay maamulka Gobolka Gedo iyada oo saraakiisha degaankaas joogta dib loogu celin doono Magaalada Muqadisho isla markaana looga danbeeyn doono Jubbaland qaabka loo mamaulaayo Gobolka Gedo.
Qodobadaas ayaa lagu heshiiyay, waxaa shaki badan ku jiraa in ay wax badan ka qabsoomi doonaan fulinta qodobadaas!. Sidoo kale waxaa dad badan su’aal ka qabaan sida ay suuragal ku tahay in taabogalo heshiis uu Fahad Yaasiin soo saxiixay isaga oo horjooge ka ahaa dagalka lagu qaaday shacabka iyo degaanka Jubbaland? Beesha Mareexaan sidee ayaa ay ku aqbaleysaa go’aanadaas? Ma u muuqataa in heshiisku yahay mid labada dhinac ku daneysanayaan laakiin uusan ahayn heshiis ka tarjuma xaqiiqda runta ah ee ka jirta Jubbland iyo Muqadishu? Heshiiku ma noqon karaa mid waara?.