Kulanka Baarlamaanka maanta maxaa looga hadlayaa?

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo habeenkii xalay ahaa ay labada gole sheegeen in ay ka heshiiyeen qilaafkii ka dhaxeeyay ayaa maanta waxaa lagu wadaa in Gobalaha Shacabku  ay kulan  ku yeeshaan Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal loo diray xubanah baarlamaanka  habeenkii xalay ayaa lagu sheegay  in  Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 13-07-2019, uu jiro mid kamid ah kulamada Golaha,isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan kulankaas.

AJENDAHA Kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Baabuurta Xamuulka iyo Xeerka wadooyinka iyo Akhrinta 2aad ee Wax ka badalka Sharciga Duulista Rayidka.

Golaha Shacabka ayaa ku mashquulsan ajandayaal ayan muhim ahayn in xiligaan waqti lagu lumiyo, laakiin loo baahnaa in ay diirada lagu saaro arimaha doorashooyinka, Dastuurka, amniga iyo xiriirka u dhaxeeya labada gole.