Xogo hor dhac ah ayaa laga helayaa kulan xalay madaxtooyada Soomaaliya ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Fahad Yaasiin iyo madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.
Wararku waxay sheegayaan in kulankaas looga hadlay arrimaha doorashada, isagoo ku soo aaday maalmo kadib markii mucaaradku dalbaday in la bedelo guddiyada doorashada iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin.
Waxaa aad u yar xogta laga helay kulankaas, balse saraakiil ka titsan madaxtooyada ayaa shaaciyey in diiradda lagu saaray doorashada iyo tabashooyinka laga qabo.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inuu horay mucaaradka uga aqbalay inuu bedeli doono xubnaha Galmudug ku metelaya guddiyada laga cabanayo, balse uu balankaas fuli doono markii ay ku dhaqaaqaan madaxda maamullada kale ee dalka.