Kulan xasaasi ah oo dhex maray MW Xasan Sheekh, MW Sheekh Sharif & Gud. Baarlabaanka

Reading Time: < 1 minute

Kulan casho ah oo uu Guddoomiyaha BJFS Maxamed Mursal u sameeyay madaxda Madasha Xisbiyada ayaa caawa waxa lagu qabtay hoyga Guddoomiyaha uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Kulanka casho kaddib aya waxaa shir albaabada u xiran yahay waxaa uu dhex maray Madaxweynayaashii hore ee hadda ku midoobay madasha xisbiyada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlabaanka JFS Maxamed Mursal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladdaha murugsan ee amniga, siyaasad u diyaar garowga doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacdo dhammaadka sanadka foodda nagu soo haya ee 2020.

Waxaa gebi ahaanba hakad ku yimid wadashaqeynta dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo Baarlabaanka JFS uu baasiyay sharciga doorashooyinka oo lagu wado in xildhibaanada ay dib ugu laabtaan deegaan doorashadooda si mar kale dib loogu soo doorto, taasoo meesha ka saartay hamigii MW Farmaajo ee aha in xildhibaanada iyo Madaxweynaha ay doortaan shacab lasoo xulay ay doorashada ka dhacdo magaalada Muqdisho.

MOL weli ma heli qodoba faafhaahsan ee shirka albaabada u xirnaa ee dhex maray seddexda masuul, waxaanan dib idinkaga soo gudbin doonaa faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka dhex maray madaxda madasha xisbiyada iyo guddoomiha baarlabaanka JFS.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!