Kulan Xalay Madaxtoyada Ay Ku Yeesheen Md/Farmaajo,Eng,Yariisow Iyo Gudomiyayaasha Degmoyinka,Wasiir Sabriye( Maxay Maleegayaan)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Maamulka Gobolka Banaadir, Ujeedada kulanka oo aan Warbaahinta wali lala wadaagin ayaa Wararku waxay sheegayaan in laga arrinsaday arrin quseeya Mustaqbalka Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan “Eng Yariisoow” iyo ku xigeenadiisa oo ay wehlinayaan Gudoomiye yaasha 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sidoo kale kulanka ka qayb galay waxaana kulanka Dinacyaddu ay yeesheen uu qaatay muddo saacado ah.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay in aad looga hadlay Amniga Gobolka Banaadir.

Ujeedada kulanka waxaa waji kale u yeelay ka qayb galka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaali Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana Wararka qaar sheegayaan in la wado qorshe ku aadan in Xilka laga qaadi doono Gudoomniye yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Inkasto weli an si dhab ah lo ogeyn waxa dhab ahan ay ka wada hadleen hadana sarisha madaxtoyada shegaya in dhawan ay fishan in xilalka laga tuuro Maamulka Degmoyinka Banaadir.