Kulan Xaaf uu la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Galmudug ee London ku Nool oo lagu kala Tagay!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Odayaal Dhaqameed u dhashay Beesha waceeysle ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada London Ee Dalka Ingariiska waxaa uu kusoo dhamaaday Natiijo La’aan waxaana ay ku kala Tageen Caay iyo Aflagaado.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa u sheegay Jaaliyadda Waceeysle ee London Ku sugan in ay Yihiin Dad dhimtay islamarkaana ayna Xitaa u qalmin kasii mid ahaanshiyaha Maamulka Galmdug Maadaama aysan laheeyn Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo muuqda islamarkaana Xildhibaanadoodu ay u Hiiliyeen Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabeey Iyo Gudoomiye Cali gacal casir.

Waxgaradkii ka qeeyb-gaalayay Kullan ayaa iska istaagay iyagoo u sheegay Xaaf in aysan dhanka Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabeey Iyo Gudoomiye Cali gacal casir Taageerayaan islamarkaana aysan Aqbali doonin kulan kale oo ay yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf 

Beesha Waceeysle ayaa Kol Hore Ku dhawaaqday in ay ka Baxday Maamulka Galmudug Ka dib Kullan dhowr bil ka hor ka dhacay Muqdisho