Kulan Qrasoodi ah oo ay Addis ku Yeesheen Fahad, Guled iyo Khayre

Reading Time: 3 minutes

Waxaa isa soo taray warar sheegaya in jiray kulan aanan la shacin oo ay laba todobaad ka hore ku yeesheen Xassan Cali Khayre, Cabdikarem Guled iyo Fahad Yaasiin magaalada Addis Ababa. Kulanka waxaa codsaday Fahad Yasiin, waxaana xiriirye ka noqday Cabdikariin Guuleed. Kulankan oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyay ayna ka warhayeen wardoonada Qatar iyo Ethiopia, kadib markii Fahad la qeybsaday ayaa dhacay xilli Hassan Cali Khayre hakad ku ahaa Addis oo uu ku sii socday Nairobi, sidoo kalena Fahad Yaasiin u u ku sugnaa Addis Ababa oo uu kaga qayb galayay kulan u dhaxeeyay wardoonada Ethiopia, Eretria iyo Somalia.

Fahad iyo Kheyre ayaa si xun ku kala tagay markii kheyre la ridayey, hasa yeshee waxaa uu Cabdikariin ka dhaaciyey Kheyre in la is arkaa inaysan wax dhib ah lahayn. Cudurdaar oo uu Fahad bixiyey kadib waxaa uu labadooda u sheegay inuu wacad u maray inuu ka shaqeeyo inuusan Xasan Sheekh marna noqon madaxweynaha badalaya Farmajo.

Fahad waxa uu labada nin u sheegay inay Xasan Sheekh isku fahmi waayeey waxkasta oo ay isla soo qaadeen, kana go’an tahay inuu ka ilaaliyo inuu kursiga ku soo noqdo, taas oo ah sida ay rabto dowladda Qatar. Waxaa uu u caddeeyey labadoodaba inuu musharaxiisa koowaad uu weli yahay Farmajo, laakiin labadooda ay u yihiin badal haddii Farmajo  oo shacbiga ay aad u naceen ay xildhibaannadooda ku khasbaan inay didaan.

Fahad, Kheyre iyo Guuleed waxay ugu dambeyntii isla garteen in Xasan  Sheekh Meesha laga saaro oo la smaeeyo dacyaado iyo weerraro afka ah, iyadoo laga bilaabayo in lagu eedeeyo in ay Qatar wadato, dowladaha caalamka oo hadda Soo fahamayo siyaasadda Somalida ay gadaal uga si kadaan dadka ay is leeyihiin dalkaan wel ka saari karaan xaaladdaan, waxayna goosteen in lagu bilaabo dayaacad oo qeybtii ugu horreysayba la bilaabay MW Xasan sheekh Iyo Qatar aaaa isku soo dhowaaday.

Kulankan gaarka ah oo ay seddexdan masuul Addis Ababa ku yeesheen ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii ay isku kaashan lahaayeen seddexda kooxood oo ay ka kala socdaa xiligan aya soo dhawaatay doorashada. Fahad ayaa u sheegay Khayre iyo Guled  in taageerada Qatar ay ku xiran tahay in ay seddexdan koox la yimaadaan qorshe ay ku wada shaqaynayaan si looga hortago Madxwaynihii hore Xasan Sheikh oo ay beryahan kor u soo kacaysay taageeradiisa iyo Cabdirahman Cabdishakur oo la rumaysan yahay in uu taagero ka helayo Imaaraadka carabta.

Iskaashiga kooxdan oo ay dabada ka riixayso dowladda Qatar ayaa waxaa ku salaysan yahay in marka hore ay musharaxiinta seddexda kooxood wada tartamaan ilaa iyo inta la gaarayo xiliga doorashada kadibna go’aan laga gaari doono sida ay doorashada uga qayb galayaan.  Fahad iyo Qatar ayaa Ujeedadooda tahay in mid ka mid ah seddexdan kooxood uu ku guulaysto doorashada Madaxwaynaha iyagoo addegsanayo taageerada Qatar, Ethiopia iyo Turkiga, dagaal wada jir ahna lagu qaado Xaasan si looga gooyo Turkiga iyo Imaaraadka . Waxaana muuqata in waddamada deriska, Carabta iyo beesha caalamka ayaa si aad ah u soo fahmaya Somaliya inay taagan tahay isgoys u baahan laga qabto dalka Qatar oo u isticmaaleysa danaheeda gaarka ah.

Waxaa jira warar sheegaya in dhawaan seddexdan kooxood kulan kale ku yeelan doonaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana dhawaan la filayaa in seddexdan masuul u safraan Istabuul. Dowladda Qatar ayaa u aragto in ay Somaliya aad muhim u tahay in aanay gacanteeda ka bixin ayna ku bixin doonto wax walba oo suurtagelin kara in la doorto Madaxwayne ay iyada wadato. Fahad ayaa horay dhow jeer ula kulmay Madaxwaynihii hore Xasan Sheikh waxaana muuqata in ay wax isla fahmi waayeen ama uu Madaxwaynihii hore ka horyimid qorshaha ay Qatar dabada ka riixayso.  

Waxaa beryahanba soo baxayey in Fahad ay ku adag tahay inuu hal musharrax, gaar ahaan MW Farmajo isku halleeyo, waxaana dadaal dheer ugu jiraa inuu dalka Qatar ka dhaadhiciyo inu la ballaariyo kooxda ay ku dullaan tagayaan, si looga hortago isbadal siyaasadeed oo dalka ka dhaca. Fahad iyo Qatar waxay rabaan in haddii wax isbadalayaan inay madaxda is badasho oo seddexdaan midkood uu kursiga u haro si Qatar danaheeda ay uga sii socdaan.

Beesha Caalamka iyo dhammaan shacbiga Somaliyeed ayaa aad u raba inuu dalka ka dhaco isbadal siyaasadeed oo wax ka qabta dhibaatooyinka is biirsaday oo dhan walba leh. Ammaanka, Musuqmaasuqa, dhaqaalaha, caafimaadka, arrimaha bulshada iyo qeyb walba oo dalka ah ayaa waxaa ka jira dhibaato mug leh. Kufsiga iyo Boobka gabdhaha yar yar oo noqday wax laga argagaxo, looguna talagalay in bulshada gaar ahaan kuwa Xamar ay ku mashquulaan ayaa noqoday maalin la nool qof waliba ay ka cabsato.

Sidoo kale waxaa aad u soo batay qafaalashada Gabadhaha iyo wiilasha yar yar oo la leeyahay waxaa la iibsadaa xubnaha jirkooda, waana waxa reer walba uu maanta ka cabsanayo inay cunugiisa ku dhacdo.

Arrimahaan is biirsaday waxay dadka Somaliyeed sugayaan inuu rabbi u keeno dowlada ka shaqeysa danaha dadka ee aan ka shaqeyn danaheeda dhaqaale, boobka hantida sida dadajinta Xaraashka shidaalka iyo Badda Somaliyeed.

Haddaba,  Fahad iyo Kheyre oo hadda uu  la gaardinayo Cabdikariin Xuseen Guuleed waxay rabaan inay dalka ku hayaan xaaladdaan iyagoo isticmaalaya lacago malaayiin ah oo ay dalka Qatar ku shubeyso kooxdaan.

Somalida waxaa horyaalla go’aamo adag oo u baahan inay runta ku wajahaan waxayna soo arkeen waxay u dhaxeeya hogaan danaha ummada ka shaqeeya iyo danahiisa ka shaqeeya. Lacag kasta oo ay Qatar ku shubtaa Fahad, Guuleed, Farmajo iyo Kheyre kuma celin karto shacbiga Somaliyeed noloshaan Xun.