Kulan magaalada Mombasa kula dhex maraya Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Uhuru Kenyatta

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray goor dhoweyd gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo uu galabta uu kula kulmi doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Mombasa kusoo dhaweysay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo oo dhawaan booqasho ku tegtay Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Kulanka Mombasa ee Rooble iyo Uhuru Kenyatta ayaa looga hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha fudueynta ganacsiga.

Ra’iisal wasaaraha waxaa la socda wasiirka Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Qorsheynta, Safiirka Somalia ee dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!