Xildhibaanadda Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta lagu waday inay kulan ku yeeshan magaalada Jowhar ee xaruntta u ah maamumlka Hirshabelle ayaa waxaa uu ubaaqday kooram la’aan kadib geeri ku timid Wasiir ku xigeenkii Ganacsiga iyo Warshadaha ee Maamulka Hirshabeelle Saciid Xaashi Tooxow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa inoo xaqiijiyay in kulankii maanta su’aalo lagu weydiin lahaa Cabduqaadir Aadan Jeelle Wasiirka amniga Hisrhabelle, waxuuna xusay in Xildhibaanada qaar ay ku maqanyihiin aaska wasiir kuxigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Marxuum Saciid Xaashi Tooxow .
Sidookale Xildhibaanada aan lahadalnay ayaa inoo sheegay in maamulka Hirshabeelle uu ku dhisan yahay isla xisaabtan cidkasta oo ka tirsana lala xisaab tami doono,waxeyna inoo shegeyn in mas’uul walba oo ka mid mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle ay hor imaan doonan Kala fadhiyada Baarlamaanka Hirshabeelle si loola xisaab tamo.
Amaanka deegaanada uu ka aramiyo Maamulka Hirshabeelle ayaa ah mid aad uxumaa maalmiihi danbe iyadoona su’aala weydiinta Wasiirka Amniga Maamulkaaasi ay imaneyso xili Xildhibaano katirsan maamulka Hirshabelle ay ku eedeenayan Madaxweyne Waare inuu dayacay amaanka Mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah eek u dhaqan Hirshabeelle.