Kulan looga hadlayay nabadgalyada goobta doorashada guddoonka BFS oo ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Dalka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ka shiray amniga Goobaha lagu dooranayo Guddoonka BFS.

Xijaar iyo saraakiisha ATMIS ayaa kala qaatay warbixinno la xiriira sida ay u wada shaqeyn karaan Booliiska Federaalka & kuwa Midowga Afrika si hannaanka geedi socodka Doorashooyinka looga gungaaro.

S/Gaas Xijaar ayaa sheegay in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu u taagan yahay ilaalinta nabadgalyada si lamid ah Doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare BFS ee Dowlad-Goboleedyada lagu qabtay.

Munaasabadda dhaarinta labada Gole ee Baarlamaanka 11aad JFS 14kii April 2022 waxaa lagu tuuray dhowr hoobiye, halka fadhigii ugu horreeyay uu wadajir u yeeshay Baarlamaanka Federalka 18-April-2022.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka weli warbixin kama soosaarin Hoobiyaasha ku dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku dhaawacmeen inta la xaqiijiyay 3 ruux, waxaana cambaareeyay RW Rooble, Xildhibaanno & Senataro katirsan BFS.