Kulan Loga Arinsanayo Amanka Deganada Maamulka Konfur Galbeed oo Beydhabo Lagu Qabtay

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Baydhabo ee xarunta Ku meel gaarka ah ee maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya aya lagu qabtay Kulan looga hadlayo horumarinta xaaladda Amniga iyo xasilinta deegaannada hoos yimaada maamulkasi.

Kulankan ayaa Mudada uu Socodo Waxaa looga hadli doona qodobbo la xariira waxyaabihii ka qabsoomay qorshayaashii loogu talagalay xasalinta deegaanada koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Qodobada kale ee loga hadli doono waxaa ka mid ah u diyaargarowga dagalka ka dhanka ah al shabab iyo sidi looga nadiifin lahaa deegaanada ay wali ku sugan yihiin, halkaasi oo shacbiga ku nool ay ku hayaan dhibaatooyin baaxad leh.

Deganada konfur galbed ee somaaliya waxa ka socda abaabulo xoogan oo uu qorshayaasha dagaalka ka dhanka aha dajinaayo Muqtaar Roobow oo Kol Hore ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Kooxda Al Shabaab.