Magaalada London ee dalka Ingariiska ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Khamiista ee socota uu ka dhacdo kulan Caalami ah oo lagu taageerayo Shirweynii maalin kahor Beesha Muddulood ku yeelatay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Kulanka ka dhacaya London ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Beesha Muddulood ee ku sugan halkaas, isla markaana waxaa socoto qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee uu ku dhacayo kulankaas.
Guddoomiyaha Shabakadda Wararka Mareeg Online Aweeys Geedi oo ku sugan London ayaa waxaa uu soo sheegayaa in haatan uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee lagu qaban lahaa kulanka lagu taageerayo Shirweynihii Beesha Muddulood ku yeelatay Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Guddoomiye Aweeys Geedi ayaa waxaa uu tilmaamay in kulankaas ay kasoo qeyb geli doonaan dadweyne farabadan oo uu kamid ah yahay Cali Ugaas Cabdullaahi iyo xubno kale oo Caan ka ah Beesha Muddulood.
Shirkii Muddulood ee lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi Maxamed, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan maamul Goboleedyada dalka, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeybgashay ayaa waxa uu ku baaqay in shirkan uu noqdo mid sii ballaarto oo dhammaan beelaha Soomaaliyeed loogaga sii gudbo.
Sidoo kale furitaankii shirkan ayaa ka hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxana uu xusay in shirkan wadatashiga uu yahay mid muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed oo idil.