Kulan lagu taageerayo go’aankii RW Rooble oo ka socda Hotel Saxafi

Reading Time: < 1 minute

Waxaa hada ka socda Hoteel Saxafi kulan balaaran oo lagu taageerayo go’ankii Geesinimada lahaa ee uu qaatay Ra’iisal Wasaare Rooble, kaas oo uu si cad uga horyimid qorshihii Farmaajo uu ku doonayay in uu ku helo waqti kordhin, dagaalna uga dhaliyo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankii oo ay soo qaban-qaabisay beesha Habargedir ayaa ujeedadiisu tahay in Ra’iisal Wasaare Rooble uu ku dhiirado in uu Farmaajo kala wareego talada dalka, isagana uu hogaanka u qabto qorshaha qabashada doorashooyinka iyo guud ahaan hogaanka dalka.

RW Rooble ayaa u muuqda in uu ka soo go’ay Farmaajo, kaligiisna uu gooni isku taagi doono isaga oo ka madaxbaan kooxaha uu ku adeegto Farmaajo.

Dhanka kale, waxa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Farmaajo doonayo in uu ceyriyo Rooble oo uu ku badalo Cali Maxamed Geedi.