Kulan dhexmaray Jawaari Iyo Farmaajo oo Fashil ku dhamaaday Iyo Xiisad Cusub oo Curatay!!

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan warar  soo baxaya  waxaa shir xasaasi ah isugu yimid Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mahad Cawad.

Shirka oo albaabada ay u xirnaayeen ayaa lagaga hadlay khilaafka iyo xiisadda siyaasadeed ee weli ka aloosan magaalada Muqdisho.

Sida aan Xogta Ku Heleeyno  shirkaasi waa lagu kala kacay markii ay adkaatay in dhinacyadu ay isku qanciyaan waxyaabaha ay kala tabanayaan.


Ilo xog xogaal ah ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Cawad ay ku adkeysteen in lagu kala baxo sharciga.


Kulankaan natiijo la’aanta ku soo dhammaaday waxaa ka horreeyay kulan kale oo saacado ka hor madaxweynaha uu la qaatay guddoomiye xigaanka labaad Muudeey iyo tiro xildhibaanno ah, waxaana ay u muuqataa in MW Farmaajo uu la kulmayo culeeysyo kale duwan.


Saacadaha soo socda ee Talaadada maanta ahi ayaa la filayaa in madaxda ugu sarreysa dalka ay ka hadlaan xiisadda taagan waloow kulan kale laga yaabo inay isugu yimaadaan markii uu waaggu baryo.