Kulan caawa ka dhacay hoyga RW Kheyre aya lagu amray Taliska CXDS in ay soo xiraan Sheekh Shaakir.

Reading Time: < 1 minute

RW Xasan Cali Kheyre aya caawa gurigiisa ku qabtay shir looga hadlay xaaladda amni ee magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ay rasaaseeyeen madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shakir Cali Xasan fiidnimadii caawa aya waxaa ka dhashay xiisad hor leh oo u dhexeysa ciidamda dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

RW Kheyre aya waxaa kulankii caawa ku wehliyay Taliyaha CXDS Gen. Odawaa, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Jooh, Xildhibaan Xuseen Idow, Senator Dhegdheer, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dhowr xildhibaan oo ka tirsan laba gole.

Shirka ayaa looga arrinsaday sidii laga yeeli lahaa xaaladda ka dhalatay kaddib markii ciidamada Ahlu Sunna ay caawa la wareegeen dhammaan garoonka diyaaradaha, xarunta doorashada iyo Madaxtooyada Dhuusamareeb.

RW Kheyre aya amar ku bixiyay in la soo xiro Sheekh Shaakir, waxaana loo xil saaray Gen. Odawaa iyo Gen Qooje Dagaari.

Waxaa faraha ka baxay xaaladda amni ee Dhuusamareeb waxaana shacabka magaalada oo la hadlay Muqdisho Online ay u sheegeen in magaalada ay ka jirto cabsi fara badan oo laga qabo in uu dagaal ka dhaco magaalada maalmaha soo socda.

Ciidanka dowladda ay geeysay magaalada aya bilaabay in aay iibiyaan hubkooda sida ay goob joogayaal u sheegeen Muqdisho Online.