kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka oo markale baaqday Maanta

Reading Time: < 1 minute

Khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa sababay baaqashada markii 3aad waxaana la sheegayaa in arintaan ay sababtay xiisada ka dhax jirta Golaha Shacabka oo sii xumaaneysa.

Isniintii iyo Arbacadii todobaadkii hore ayey baaqday kulamada Xildhibaanada, sidoo kale maanta oo sabti ah oo lagu waday inuu qabsoomo ayaa la hakiyay Kulanka waxaana warar la helay ay sheegayaan iney sabab u tahay khilaaf ka dhax-oogan Guddoonka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS.

Lama oga sida uu xaal noqon doono ha-yeeshee rajo wanaagsan kama muuqato shaqada Baarlamaanka oo markii horaba laga qabay kalsooni darro iyo shaki ah iney ka gaabiyeen la xisaabtan Xukuumadda Soomaaliya.